audio
audioduration (s) 2.41
28.4
| transcribe
stringlengths 41
510
| speaker_id
int64 1
1
|
---|---|---|
Marmar ayaa uu sirdoonka Israa’iil ku guulaystaa in uu
helo basaasiin Carbeed oo uga dhex shaqeeya dalalka iyo
dadyowga Carabta ah | 1 |
|
gaar ahaan Falastiiniyiinta oo ay xog joogto ah uga bahanyihiin iyo dalalka ku xeeran sida
Masar Suuriya Urdun iyo sidookale wadamo kale oo carbeed. | 1 |
|
Buuggani waxa uu ka warramayaa Amiina Almufti oo ahayd gabadh Carbeed oo
kaalmaha hore kaga jirta | 1 |
|
liiska dadkaas Carbeed ee laga dhigay basaasiinta Yuhuudda u adeega. | 1 |
|
Waa noloshii qoyskeeda iyo koritaankeedii carruurnimo | 1 |
|
xidhiidhkii jacayl ee cadaawadda koowaad ugu abuuray Carabta | 1 |
|
jidkii billowga ahaa ee Amiina ku hoggaamiyey basaasnimada | 1 |
|
guurkii Yuhuudiga iyo sida ay dhimashadiisii dariiqa ugu jeexday
basaasnimadeeda. | 1 |
|
Amiina waxa ay guursatay wiil Yuhuudi ah diinta
Yuhuudda ayaa ay qaadatay magaceedana waxa ay u
beddeshay Aani Mooshe. | 1 |
|
Waxa ay gashay basaasnimo ka dhan ah Falastiiniyiinta oo ay u arkaysay in ay tahay
aargoosi ay kaga aargoosanayso wiil Falastiini ahaa | 1 |
|
oo jacayl carruurnimo kaga baxay iyo dalka Suuriya oo soo
riday diyaarad dagaal oo uu waday saygeedii Yuhuudiga
ahaa. | 1 |
|
Colaaddan isbarkan ayaa keentay in ay dagaal arxan
darro ah la gasho Falastiiniyiinta. | 1 |
|
Waxa uu buuggu soo bandhigayaa xirfaddaha iyo tayada
sirdoonka Falastiiniyiinta | 1 |
|
fashilintii basaasnimada iyo xeeladdii yaabka badnayd ee loo maray ciqaabtii iyo
baadhistii lagu ogaaday basaasnimadeeda. | 1 |
|
Amina Almufti waxa ay ka mid tahay basaasiinta ugu
caansan ee ay MOSSAD ka shaqaalaysay Carabta; | 1 |
|
Magac fiican iyo soo dhoweyna kala kulantay Yuhuudda oo u bogay daacadnimada ay ugu shaqaysay iyo culayska xogaha ay u soo xaraysay oo badbaadisay nafo badan oo
Yuhuudi ah. | 1 |
|
Sababna u noqday in laga hortago hawlgallo ay
qaarkood hubaal ahayd in ay dhaawac gaadhsiin lahaayeen
ammaanka Israa’iil. Waxa aanay ku mutaysatay maamuus
gaadhsiyey in magaceeda lagu daro taallada ‘halyeeyada
MOSSAD’ lagu qoro. | 1 |
|
Waa dhacdooyin run ah oo qaarkood u dhadhamayaan
qaab aanay hore maskaxdu u sawirran karin sida ay u dhici
karaan arrimo noocaas ahi. | 1 |
|
Sida uu qoraaga buugga Fariid Alfalluuji ku tilmaamay Amiina Almufti waa
gabadh qurux oo aanay dhaayaha raggu aysan marnaba udhamayn karaynin | 1 |
|
oo ku darsatay cuddooni joog iyo jidhba leh. | 1 |
|
Waxaa u sii dheeraa maskax badnaan iyo faham aad u
heersarreeya. | 1 |
|
Tilmaamahaas oo ay yar tahay cid ay isu raacdo ayaa iyaduna usuurtogeliysay in ay dhexgasho
ururrada hubaysan ee Falastiiniyiinta ee xarumahoodu ahaayeen dalka Lubnaan gaar ahaan Beyruut iyo Koonfurta dalkaas ee Lubnaan. | 1 |
|
Waxay gaartay xafiiska hoggaamiyihii Falastiiniyiinta Yaasir Carafaat oo ay ka
heshay soo dhoweyn albaabadu u wada furanyihiin iyo sidoo kale in
lasiiyo. | 1 |
|
dhukumantiyo rasmi ah oo ay ku dhexmari karto
kuna dhexgeli karto Falastiiniyiinta iyo hay’adaha kala
duwan ee ururrada Falastiiniyiinta iyada oo sheeganaysa
dhakhtar tabarruc ugu yimid wax u qabashada walaalaha
dhibban. | 1 |
|
Sheekadani waxa ay si fiican inoo baraysaa qayb ka mid
ah loollanka adag ee u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo
yuhuuda | 1 |
|
oo laga yaabo in dad badani aanay xog sidaasi
u sii dhaadhacsan ka haynin. | 1 |
|
Marka laga reebo in ay ogyihiin dad rayid ah oo dhulkoodii la qaatay kuwaas oo doonaya
in ay dhagaxtuur ay ku soo ceshadaan xaqooda. | 1 |
|
Waxa kale oo laga baranayaa duruus la xidhiidha cilminafsiga iyo
shakhsiyadda cajiibka ah ee dadku sida ay u noocyo badan
yihiin. Tusaale ahaan qoraa Fariid Alfalluuji | 1 |
|
waxa uu shakhsiyadda Amiina inoo barayaa in ay tahay mid yaab
badan oo isburinaysa | 1 |
|
taas oo inoo caddaynaysa in nafta aadamuhu ay weligeedba tahay wax in la wada fahmaa ay
adagtahay. | 1 |
|
Waana sababta uu ugu hungoobo qofka aan faham ka haysan shakhsiyadda dadka iyo sida ay u
adagtahay barashada noocyadeeda ama in aadamuhu aannu inta badan lahayn qofnimo run ah oo loogu soo
hagaago balse ay tahay in wax kasta laga fisho. | 1 |
|
Buuggani xiise uma samaynayo keliya dadka xiiseeyaa
sheekooyinka sirdoonka waxa uu sida oo kale macno
u samaynayaa dadka jecel sheekooyinka jacaylka iyo
arrimaha bulshada. | 1 |
|
Waxa ay ka qaadan karaan casharro
iyo waayoaragnimo cilminafsi ah oo aadanahu la
xidhiidhta. | 1 |
|
hadaba aan gudaha u gudo galno sheekada
Amiina Daa’uud Almufti ee magaceeda ubadalatay
Aani Mooshe. | 1 |
|
waxay ku dhalatay mid ka mid ah xaafadaha dadka
ladani ay degaan ee magaalada Cammaan
caasimadda dalka Urdun | 1 |
|
sanadkii 1939 kii Waxa aannu
waalidkeedu ugu wangalay magaca Amiina. | 1 |
|
Amiina Daa’uud Muxammed Almufii qoyskoodu waa
Muslim isirkiisu ka soo jeeda qawmiyadda Sharkiska. | 1 |
|
Awoowyaashood ayaa sanado badan ka hor uhaajiray
dhulka Urdun oo inta ay la qabsadeen nolosha iyo
deegaanka ku dhex milmeen bulshada dalka ay meel
sare ka gaadheen siyaasadda iyo dhaqaalahaba. | 1 |
|
Aabbaheed waxa uu ahaa maalgabeen ka ganacsada
dahabka adeerkeed waxa uu ahaa janaraal ka tirsan
ciidamada boqortooyada Urdun | 1 |
|
hooyadeedna waxa ay ahayd marwo waxbaratay oo afar luuqadood si fiican ugu wax ugu hadlikarta | 1 |
|
xidhiidho aad u adagna waxay la lahayd marwooyinka bulshada
dabaqadda sare ah ee dalka Urdun. | 1 |
|
Waxa ay ahayd guridambaysta qoyska oo ka koobnaa
Lix carruur ah oo ay ku jirto. Labada hablood oo ka
waaweyni xaasley ayaay ahaayeen saddexda kalana wiilal
ayaa ay ahaayeen. | 1 |
|
Waxa ay ku koreen koolkoolin ay
labadeeda waalid la hareero taagan yihiin iyo kalgacal ku
abuuray qab iyo in ay u aragto ruux dhiggeeda ka
sarraya. | 1 |
|
Codsigeedu waxa uu ahaa amar qasriga
qoyskoodana waxa ay ka ahayd muraayad la daawado oo
qosolkeeda iyo codkeedaba labada waalid ay ku raaxaystaan. | 1 |
|
Waxbarashadii dugsiga sare ee Amiina waxa ay ula
kowsatay gabadhnimo buuxda barwaaqgo ku kor
dhabankeedu labeen lahayd oo quruxda Rabbi u
dhaliyey uu ugu sii daray garaad iyo fariidnimo ruux erey ay is
dhaafsadaan qirayo Laakiin dabeecad aan iyada oo kale
laga filaynin ayaa u dheerayd. | 1 |
|
Inkasta oo aanay gurigeeda dhanna aysan u dhaafin haddana waxa ay la kacaantay nacayb
xad dhaaf ah iyo ka santaag badan oo ay u hayso dhaqanka
qoyskeeda ee dhowrsoon. | 1 |
|
Waxa ay si joogto ah u yasi jirtay
dhaqanka Carabta oo ay u arkaysay in uu xidhxidhan
yahay. Riyada keliya ee ay lahayd iyo sidookale hadalhaynteeda
ugu badani waxa uu ahaa jacayl iyo dhaqan furfuran. | 1 |
|
Amiina waxa ay haasaawe isku barteen wiil asalkiisu
Falastiini yahay oo reer Urdun ah | 1 |
|
Jacayl aan xuduud lahayn ayaa ay wiilkasi ay u qaadday laakiin waa ay ku
hungawday markii xilli uu qalbigeeda god weyn ku
yeeshay ayuu si kedis ah uga gaabsaday. Waayihii adkaa ee
nafieeda ka soo gaadhay caashaqaasi gudhay waxaa ku sii
xumeeyey duruufaha ay ku jirtay ee ka dhashay is
gedgeddiga abuurka ah ee kalaguurka koritaanka
carruurnimada iyo gashaantinnimada iyo sida oo kale
marxaladda kalaguurka ah ee u dhexeysay dhaqankii
dhowrsoonaa ee lagu soo koriyey iyo nolosha furfuran oo ay
ku riyooto iyada. | 1 |
|
Wiilkani kama uu tegin kaliya Amiina ee waxa uu
uga daldoorsaday inan da’deedii oo kale ah balse deggenaanshiyo
iyo quruxba udheer tahay. | 1 |
|
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa iyada oo warmoog ah ay heshay warqad ka nixisay oo aynu
dhihi karno waxa ay noqotay warqaddii nolosheeda
iyo mustaqbalkeedaba beddeshay. | 1 |
|
Waa Basaam oo u sheegaya in uu kaga baxay haasaawihii iyo jacaylkii weliba
kama uu tegin ee aflagaado iyo ereyo xun ayaa
usii racay warqadda | 1 |
|
Waxa aad tahay danaysato kibir badan si fudud isaga cadhoota oo dabeecad bahal ah
leh | 1 |
|
Waa suurtagal in ay ahayd qofkaas uu sheegay
Basaam laakiin naxariis darro ayaa ay ahayd in uu isugu
daro ka tegis iyo hadalladaas qallafsan. | 1 |
|
Waxa uu farta ugu fiiqay meelaha ay barbaarinteeda ka qaldan tahay iyo sida
qaldan ee ay nolosha u fahansantay. Amiina maadaama oo
ay wiilkan Basaam jacayl xad dhaaf ah ay u qabtay
gaabsiga kaga yimid iyo hadallada uu u quudhayba waxa ay
ku rideen dhakafaar iyo qaadanwaa gilgilay qalbigeedii
yaraa. Waxaa markiiba ku abuurmay dareen faraya in ay
aargoosato. | 1 |
|
Walbahaarkii caashaq ee ku abuurmay iyo murugada ay
ka qaadday jacaylkii uu ku wacad furay awgeed ayaa waxa ay
gashay xaalad ay nafteeda iyo noloshaba loollan kula jirto | 1 |
|
khasaarihii ugu horreeyey ee ka dhashayna waxa uu
galaaftay waxbarashadii oo ahaa waxa ugu fiican ee
qoyskeedu kula dadaalayeen. | 1 |
|
Imtixaankii dhammaysashada dugsiga sare ayaa ay ku
soo baxday dhibco aan gaadhsiinayn waxbarashadii
jaamacadeed ee ay doonaysay. | 1 |
|
Maadaama oo laga warqabay jaamacadda ay rabtay ardayda dugsiga iyo
dadka ka agdhow oo dhamina ay la socdeen doonisteedii
waxbarashada | 1 |
|
Amiina waxaa ku adkaaday in ay ku sii
dhex noolaato bulshadan og in jaamacadda ay dhigataa ay
tahay mid aanay iyadu dooran ee dhibcaha hooseeya ee
imtixaanka ay heshay ay geeyeen. | 1 |
|
Wejigabaxaas ay kala kulantay natiijadii imtixaanka iyo
imtixaankii jacaylka ee uga horreeyey awgii waxa ay
Amiina ku tashatay in ay waxbarashada jaamacadda u
doonato dalalka Yurub. | 1 |
|
Xilligaasi dadka sidaa qoyska
Amiina aadka u ladan ee dalka Urdun waxaa caado u
ahayd in ubadkooda ay waxbarasho ugu diraan dalalka
Yurub. | 1 |
|
Sanadkii 1957 ayaa Amiina Almufii waxay ku biirtay jaamacadda
Fiyeena waxa aanay degtay guriga tirsigiisu yahay St. Johann 56
laakiin markii ay dhowr toddobaad deggenayd gurigan ayaa ay u
guurtay dhismaha hoyga ardayda ee jaamacadda ay
dhiganaysay | 1 |
|
qayb loogu talagalay ardayda shisheeyahe. | 1 |
|
Durbadiiba noloshii cusbayd ee Amiina waxa ay gelisay
farxad iyo raynrayn hor leh jawi yididiilo leh oo ay naftu
ugu sheekaysay in ay ugu yaraan ka soo durugtay
dhaqankii tolkeeda ee ay u arkaysay in wu xidhxidhan yahay. | 1 |
|
Hase ahaatee nolosha ay ku farxaysay waxa ay
dhalanrogtay shakhsiyaddeedii iyo hab-dhaqankeedii lagu soo
ababiyey. | 1 |
|
Waxaa qolka la deggenaa ardayad aad u furfuran
oo dhammaysatay kuliyadda caafimaadka ee
jaamacadda. | 1 |
|
Waxa uu magaceedu ahaa Juuli Baatriik oo u
dhalatay dalka Koonfur Afrika waxa ay waayo-aragnimo
dheer u lahayd nolosha reer Yurub goobaha laydhsiga iyo
dalxiiska loo tago ee magaalada Fiyeena iyo xorriyadda
aan dhammaadka lahayn ee ay dareemi karto inan ka timid
dunida Barigu. | 1 |
|
Juuli waxa ay Amiina bartay sigaar nuugista. Waxa ay
uga digtay in ay wiilasha wax xidhiidh iyo saaxiibtinimo ah
la yeelato maadaama oo ay imanayso khatarta ah in ay
uurqaaddo taasina ay mustaqbalkeeda waxbarasho mugdi
gelinayso. Laakiin talada taas beddelkeeda ay siisay ayaa
ahayd in baahideeda jinsiga ah ay ku demin karto dhaqan
aan hore niyadda Amiina ugu jirin oo ah xidhiidhka dadka
isku jinsiga ah. | 1 |
|
Juuli Bawriik waxa ay Amiina ku qancisay in
macaamilkaasi uu yahay ka ugu habboon ee ay nafteeda ku
qaboojin karto iyada oo aan khatar dambe iyo cawaaqib ka
dhasha ka baqaynin | 1 |
|
taas oo ay ku qanacday lana bilowday
dhaqan xumadaas. Muddo markii ay waddayna waa ay
qabatintay balwaddaas. | 1 |
|
Waxa ay gaadhay heer aanay kaba
maqnaan karin xidhiidhka jinsiga ah ee dheddigga la midka ah ay wax moodayso. Khajilaaddii ay dhaqankii Carbeed kala timid iyo anshaxii islaamka ee lagu soo barbaariyey ku raad lahaa ee ay
iyadu u arkaysay in uu yahay dabar nolosheeda raaxada u
diidan labadaba dhinac ayaay isaga tuurtay. | 1 |
README.md exists but content is empty.
- Downloads last month
- 39