audio
audioduration (s)
2.41
28.4
transcribe
stringlengths
41
510
Marmar ayaa uu sirdoonka Israa’iil ku guulaystaa in uu helo basaasiin Carbeed oo uga dhex shaqeeya dalalka iyo dadyowga Carabta ah
gaar ahaan Falastiiniyiinta oo ay xog joogto ah uga bahanyihiin iyo dalalka ku xeeran sida Masar Suuriya Urdun iyo sidookale wadamo kale oo carbeed.
Buuggani waxa uu ka warramayaa Amiina Almufti oo ahayd gabadh Carbeed oo kaalmaha hore kaga jirta
liiska dadkaas Carbeed ee laga dhigay basaasiinta Yuhuudda u adeega.
Waa noloshii qoyskeeda iyo koritaankeedii carruurnimo
xidhiidhkii jacayl ee cadaawadda koowaad ugu abuuray Carabta
jidkii billowga ahaa ee Amiina ku hoggaamiyey basaasnimada
guurkii Yuhuudiga iyo sida ay dhimashadiisii dariiqa ugu jeexday basaasnimadeeda.
Amiina waxa ay guursatay wiil Yuhuudi ah diinta Yuhuudda ayaa ay qaadatay magaceedana waxa ay u beddeshay Aani Mooshe.
Waxa ay gashay basaasnimo ka dhan ah Falastiiniyiinta oo ay u arkaysay in ay tahay aargoosi ay kaga aargoosanayso wiil Falastiini ahaa
oo jacayl carruurnimo kaga baxay iyo dalka Suuriya oo soo riday diyaarad dagaal oo uu waday saygeedii Yuhuudiga ahaa.
Colaaddan isbarkan ayaa keentay in ay dagaal arxan darro ah la gasho Falastiiniyiinta.
Waxa uu buuggu soo bandhigayaa xirfaddaha iyo tayada sirdoonka Falastiiniyiinta
fashilintii basaasnimada iyo xeeladdii yaabka badnayd ee loo maray ciqaabtii iyo baadhistii lagu ogaaday basaasnimadeeda.
Amina Almufti waxa ay ka mid tahay basaasiinta ugu caansan ee ay MOSSAD ka shaqaalaysay Carabta;
Magac fiican iyo soo dhoweyna kala kulantay Yuhuudda oo u bogay daacadnimada ay ugu shaqaysay iyo culayska xogaha ay u soo xaraysay oo badbaadisay nafo badan oo Yuhuudi ah.
Sababna u noqday in laga hortago hawlgallo ay qaarkood hubaal ahayd in ay dhaawac gaadhsiin lahaayeen ammaanka Israa’iil. Waxa aanay ku mutaysatay maamuus gaadhsiyey in magaceeda lagu daro taallada ‘halyeeyada MOSSAD’ lagu qoro.
Waa dhacdooyin run ah oo qaarkood u dhadhamayaan qaab aanay hore maskaxdu u sawirran karin sida ay u dhici karaan arrimo noocaas ahi.
Sida uu qoraaga buugga Fariid Alfalluuji ku tilmaamay Amiina Almufti waa gabadh qurux oo aanay dhaayaha raggu aysan marnaba udhamayn karaynin
oo ku darsatay cuddooni joog iyo jidhba leh.
Waxaa u sii dheeraa maskax badnaan iyo faham aad u heersarreeya.
Tilmaamahaas oo ay yar tahay cid ay isu raacdo ayaa iyaduna usuurtogeliysay in ay dhexgasho ururrada hubaysan ee Falastiiniyiinta ee xarumahoodu ahaayeen dalka Lubnaan gaar ahaan Beyruut iyo Koonfurta dalkaas ee Lubnaan.
Waxay gaartay xafiiska hoggaamiyihii Falastiiniyiinta Yaasir Carafaat oo ay ka heshay soo dhoweyn albaabadu u wada furanyihiin iyo sidoo kale in lasiiyo.
dhukumantiyo rasmi ah oo ay ku dhexmari karto kuna dhexgeli karto Falastiiniyiinta iyo hay’adaha kala duwan ee ururrada Falastiiniyiinta iyada oo sheeganaysa dhakhtar tabarruc ugu yimid wax u qabashada walaalaha dhibban.
Sheekadani waxa ay si fiican inoo baraysaa qayb ka mid ah loollanka adag ee u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo yuhuuda
oo laga yaabo in dad badani aanay xog sidaasi u sii dhaadhacsan ka haynin.
Marka laga reebo in ay ogyihiin dad rayid ah oo dhulkoodii la qaatay kuwaas oo doonaya in ay dhagaxtuur ay ku soo ceshadaan xaqooda.
Waxa kale oo laga baranayaa duruus la xidhiidha cilminafsiga iyo shakhsiyadda cajiibka ah ee dadku sida ay u noocyo badan yihiin. Tusaale ahaan qoraa Fariid Alfalluuji
waxa uu shakhsiyadda Amiina inoo barayaa in ay tahay mid yaab badan oo isburinaysa
taas oo inoo caddaynaysa in nafta aadamuhu ay weligeedba tahay wax in la wada fahmaa ay adagtahay.
Waana sababta uu ugu hungoobo qofka aan faham ka haysan shakhsiyadda dadka iyo sida ay u adagtahay barashada noocyadeeda ama in aadamuhu aannu inta badan lahayn qofnimo run ah oo loogu soo hagaago balse ay tahay in wax kasta laga fisho.
Buuggani xiise uma samaynayo keliya dadka xiiseeyaa sheekooyinka sirdoonka waxa uu sida oo kale macno u samaynayaa dadka jecel sheekooyinka jacaylka iyo arrimaha bulshada.
Waxa ay ka qaadan karaan casharro iyo waayoaragnimo cilminafsi ah oo aadanahu la xidhiidhta.
hadaba aan gudaha u gudo galno sheekada Amiina Daa’uud Almufti ee magaceeda ubadalatay Aani Mooshe.
waxay ku dhalatay mid ka mid ah xaafadaha dadka ladani ay degaan ee magaalada Cammaan caasimadda dalka Urdun
sanadkii 1939 kii Waxa aannu waalidkeedu ugu wangalay magaca Amiina.
Amiina Daa’uud Muxammed Almufii qoyskoodu waa Muslim isirkiisu ka soo jeeda qawmiyadda Sharkiska.
Awoowyaashood ayaa sanado badan ka hor uhaajiray dhulka Urdun oo inta ay la qabsadeen nolosha iyo deegaanka ku dhex milmeen bulshada dalka ay meel sare ka gaadheen siyaasadda iyo dhaqaalahaba.
Aabbaheed waxa uu ahaa maalgabeen ka ganacsada dahabka adeerkeed waxa uu ahaa janaraal ka tirsan ciidamada boqortooyada Urdun
hooyadeedna waxa ay ahayd marwo waxbaratay oo afar luuqadood si fiican ugu wax ugu hadlikarta
xidhiidho aad u adagna waxay la lahayd marwooyinka bulshada dabaqadda sare ah ee dalka Urdun.
Waxa ay ahayd guridambaysta qoyska oo ka koobnaa Lix carruur ah oo ay ku jirto. Labada hablood oo ka waaweyni xaasley ayaay ahaayeen saddexda kalana wiilal ayaa ay ahaayeen.
Waxa ay ku koreen koolkoolin ay labadeeda waalid la hareero taagan yihiin iyo kalgacal ku abuuray qab iyo in ay u aragto ruux dhiggeeda ka sarraya.
Codsigeedu waxa uu ahaa amar qasriga qoyskoodana waxa ay ka ahayd muraayad la daawado oo qosolkeeda iyo codkeedaba labada waalid ay ku raaxaystaan.
Waxbarashadii dugsiga sare ee Amiina waxa ay ula kowsatay gabadhnimo buuxda barwaaqgo ku kor dhabankeedu labeen lahayd oo quruxda Rabbi u dhaliyey uu ugu sii daray garaad iyo fariidnimo ruux erey ay is dhaafsadaan qirayo Laakiin dabeecad aan iyada oo kale laga filaynin ayaa u dheerayd.
Inkasta oo aanay gurigeeda dhanna aysan u dhaafin haddana waxa ay la kacaantay nacayb xad dhaaf ah iyo ka santaag badan oo ay u hayso dhaqanka qoyskeeda ee dhowrsoon.
Waxa ay si joogto ah u yasi jirtay dhaqanka Carabta oo ay u arkaysay in uu xidhxidhan yahay. Riyada keliya ee ay lahayd iyo sidookale hadalhaynteeda ugu badani waxa uu ahaa jacayl iyo dhaqan furfuran.
Amiina waxa ay haasaawe isku barteen wiil asalkiisu Falastiini yahay oo reer Urdun ah
Jacayl aan xuduud lahayn ayaa ay wiilkasi ay u qaadday laakiin waa ay ku hungawday markii xilli uu qalbigeeda god weyn ku yeeshay ayuu si kedis ah uga gaabsaday. Waayihii adkaa ee nafieeda ka soo gaadhay caashaqaasi gudhay waxaa ku sii xumeeyey duruufaha ay ku jirtay ee ka dhashay is gedgeddiga abuurka ah ee kalaguurka koritaanka carruurnimada iyo gashaantinnimada iyo sida oo kale marxaladda kalaguurka ah ee u dhexeysay dhaqankii dhowrsoonaa ee lagu soo koriyey iyo nolosha furfuran oo ay ku riyooto iyada.
Wiilkani kama uu tegin kaliya Amiina ee waxa uu uga daldoorsaday inan da’deedii oo kale ah balse deggenaanshiyo iyo quruxba udheer tahay.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa iyada oo warmoog ah ay heshay warqad ka nixisay oo aynu dhihi karno waxa ay noqotay warqaddii nolosheeda iyo mustaqbalkeedaba beddeshay.
Waa Basaam oo u sheegaya in uu kaga baxay haasaawihii iyo jacaylkii weliba kama uu tegin ee aflagaado iyo ereyo xun ayaa usii racay warqadda
Waxa aad tahay danaysato kibir badan si fudud isaga cadhoota oo dabeecad bahal ah leh
Waa suurtagal in ay ahayd qofkaas uu sheegay Basaam laakiin naxariis darro ayaa ay ahayd in uu isugu daro ka tegis iyo hadalladaas qallafsan.
Waxa uu farta ugu fiiqay meelaha ay barbaarinteeda ka qaldan tahay iyo sida qaldan ee ay nolosha u fahansantay. Amiina maadaama oo ay wiilkan Basaam jacayl xad dhaaf ah ay u qabtay gaabsiga kaga yimid iyo hadallada uu u quudhayba waxa ay ku rideen dhakafaar iyo qaadanwaa gilgilay qalbigeedii yaraa. Waxaa markiiba ku abuurmay dareen faraya in ay aargoosato.
Walbahaarkii caashaq ee ku abuurmay iyo murugada ay ka qaadday jacaylkii uu ku wacad furay awgeed ayaa waxa ay gashay xaalad ay nafteeda iyo noloshaba loollan kula jirto
khasaarihii ugu horreeyey ee ka dhashayna waxa uu galaaftay waxbarashadii oo ahaa waxa ugu fiican ee qoyskeedu kula dadaalayeen.
Imtixaankii dhammaysashada dugsiga sare ayaa ay ku soo baxday dhibco aan gaadhsiinayn waxbarashadii jaamacadeed ee ay doonaysay.
Maadaama oo laga warqabay jaamacadda ay rabtay ardayda dugsiga iyo dadka ka agdhow oo dhamina ay la socdeen doonisteedii waxbarashada
Amiina waxaa ku adkaaday in ay ku sii dhex noolaato bulshadan og in jaamacadda ay dhigataa ay tahay mid aanay iyadu dooran ee dhibcaha hooseeya ee imtixaanka ay heshay ay geeyeen.
Wejigabaxaas ay kala kulantay natiijadii imtixaanka iyo imtixaankii jacaylka ee uga horreeyey awgii waxa ay Amiina ku tashatay in ay waxbarashada jaamacadda u doonato dalalka Yurub.
Xilligaasi dadka sidaa qoyska Amiina aadka u ladan ee dalka Urdun waxaa caado u ahayd in ubadkooda ay waxbarasho ugu diraan dalalka Yurub.
Sanadkii 1957 ayaa Amiina Almufii waxay ku biirtay jaamacadda Fiyeena waxa aanay degtay guriga tirsigiisu yahay St. Johann 56 laakiin markii ay dhowr toddobaad deggenayd gurigan ayaa ay u guurtay dhismaha hoyga ardayda ee jaamacadda ay dhiganaysay
qayb loogu talagalay ardayda shisheeyahe.
Durbadiiba noloshii cusbayd ee Amiina waxa ay gelisay farxad iyo raynrayn hor leh jawi yididiilo leh oo ay naftu ugu sheekaysay in ay ugu yaraan ka soo durugtay dhaqankii tolkeeda ee ay u arkaysay in wu xidhxidhan yahay.
Hase ahaatee nolosha ay ku farxaysay waxa ay dhalanrogtay shakhsiyaddeedii iyo hab-dhaqankeedii lagu soo ababiyey.
Waxaa qolka la deggenaa ardayad aad u furfuran oo dhammaysatay kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda.
Waxa uu magaceedu ahaa Juuli Baatriik oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika waxa ay waayo-aragnimo dheer u lahayd nolosha reer Yurub goobaha laydhsiga iyo dalxiiska loo tago ee magaalada Fiyeena iyo xorriyadda aan dhammaadka lahayn ee ay dareemi karto inan ka timid dunida Barigu.
Juuli waxa ay Amiina bartay sigaar nuugista. Waxa ay uga digtay in ay wiilasha wax xidhiidh iyo saaxiibtinimo ah la yeelato maadaama oo ay imanayso khatarta ah in ay uurqaaddo taasina ay mustaqbalkeeda waxbarasho mugdi gelinayso. Laakiin talada taas beddelkeeda ay siisay ayaa ahayd in baahideeda jinsiga ah ay ku demin karto dhaqan aan hore niyadda Amiina ugu jirin oo ah xidhiidhka dadka isku jinsiga ah.
Juuli Bawriik waxa ay Amiina ku qancisay in macaamilkaasi uu yahay ka ugu habboon ee ay nafteeda ku qaboojin karto iyada oo aan khatar dambe iyo cawaaqib ka dhasha ka baqaynin
taas oo ay ku qanacday lana bilowday dhaqan xumadaas. Muddo markii ay waddayna waa ay qabatintay balwaddaas.
Waxa ay gaadhay heer aanay kaba maqnaan karin xidhiidhka jinsiga ah ee dheddigga la midka ah ay wax moodayso. Khajilaaddii ay dhaqankii Carbeed kala timid iyo anshaxii islaamka ee lagu soo barbaariyey ku raad lahaa ee ay iyadu u arkaysay in uu yahay dabar nolosheeda raaxada u diidan labadaba dhinac ayaay isaga tuurtay.
README.md exists but content is empty.
Downloads last month
34